Dalka  Gambiya oo laga mamnuucay isticmaalka intarneetka

Dowlada   Gambiya ayaa gabi ahaanba mamnuucay in dalka gudhiisa laga isticmaalo aalada intarneetka  iyo sido kale  telefoonnada dibadda maadama ay doorasho ka socoto  wadankaasi.

Dhanka kale , madaxweynaha Gambiya Yaxya Jameeh ayaa horay u mamnucay in dibadbaxyo la sameeyo xitaa hadii ay yihiin kuwo nabad ku saleysan.

Madaxweyne Yaxya oo doonayo in uu markii  5-ad xafiiska qabtoi ayaa waxaa loola adag kula jiro hoggaamiya xisbiga  UDP Adama Barrow.

Midowga Afrika ayaa  wadanka Gambiyaa  u diray  sarakiil si dhow ula socon doonto  doorashada  laakinse Midowga Yurub, iyo urur-goboleedka ECOWAS  ayaa  ka gaabsay in ay  xubno matala halkaasi  geyaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *