Darbiga kala qeybiyo Kenya iyo soomaaliya oo 3 kilomitir oo ka mid ah  la dhameystiray  

Darbiga laga dhisayo xadka kala qeybiyo wadamada dariska ah ee Kenya iyo soomaaliya   ayaa ilaa iyo hada 3 kilomitir  oo ka mid ah la dhameystiray.

Laba bil ka hor ayey ahayd markii dhsida darbigan si buuxda loo dhaqangeliyay  sida uu qorayo wargeyska daily nation ee ka soo baxa gudaha dalkani Kenya.

Mashruucan ayaa waxaa bilowday  wasaarada  arrimaha gudaha  sanadii la soo dhafay ee 2015-kii.

Dhanka kale dhisida  darbigan ayaa lagu dhaqaaqay  kadib weerarkii bishii April ee sanadii 2015-ka lagu qaaday jaamacada Garissa.

Jeneraal sare oo lagu magacaabo  Maj   Chepkuto  ayaa shalay isaga oo kormeer ku sameynayo shaqada la  qabtay  sheegay in 30 kiiloomitir oo kale  la dhameysirayo 4-ta bilood ee soo socoto. Sido kale taliyaha ayaa xusay in ciidamada difaaca  ee dalka  ay tageera ka helayaan  ciidamada soomaaliya  si loo xaqiijiyo in howsha nabad sugida si nabad ku saleysan loo soo afjaro.

Gavanaha countiga Mandhera  Cali Roba  ayaa soo dhaweyay horumarka laga gaaray howshan laba bilood gudahood.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *