Kuuriyada waqooyi oo si adag uga jawabeyso xayiraada qaramada midoobay  

Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in ay  talaabo adag kaga jawabi doonto xayiraada  uga timid qaramada midoobay  kadib markii golaha amaanka ee  hay’ada qaramada midoobay  ay  cuna qabateyn ku soo rogtay caasimada dalkaasi ee Pyongyang  si aynan u sii wadin tijaabinta nukliyeerka.

Xayiraadan  oo si wada jir ah loo soo saaray ayaa  lagu tilmaamay in ay noqoneyso midi ugu adkeyd abid oo qaramada midoobay ay dalkaasi  ku soo rogto.

Sido kale xayiraadan ayaa lagu cadeeyay in  wadanka  kuuriyada waqooyi laga doonayo in ay  ka tanasusho   hubka nukliyeerka iyo dhamaan barnaamijyada la xiriira.

Wasiirka arrimaha dibada ee kuuriyada waqooyi ayaa go’aanka  ku aadan xayiraada ku tilmaamay maamul lagu talax tagay  oona ku xad gudbayo  dimuqaradinimada dalkiisa.

Ugu dambeyntina dalkani oo horay uga biya diiday amaro xayiraad ku saabsan oo la soo saaray ayaa ku andacoonaya in hubka nukliyeerka laisaga difaacayo faragelinta mareykanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *