Arday shil ku gashay wadada isku xirta magaalooyinka Iten iyo Kabarnet

Ugu yaraan 19 arday oo saarnayd baabur ah kuwa schoolada ayaa waxa soo gaaray dhaawacyo kadib marki gaari ay saarnaayen u ku rogmaday wadada isku xirta magaalooyinka Iten iyo Kabarnet.

Shilkan gaari ayaa dhacay subaxnimada saaka oo sabti ahayd waxana ardayda gashay shilkan ay ahaayen kuwa wax ka barta dugsiga Pefa Donholm Academy ee kuyaala magaaladatan Nairobi.

Madaxa ciidamadda booliska ee waqoyiga Keiyo Albert Masese oo durbadiiba gaaray goobta u shilkan ka dhacay ayaa sheegay in 15 kamid ah ardayda dhaawacantay la dhigay isbitaalka Tambach halka inta kalena loola cararay isbitaalka Iten iyadoo laga deyrinaayo xaaladooda caafimaad.

Mr Masese ayaa sheegay in ay bilaaben baaritaano taas oo ay ku ogaanayan waxa ka dambeeyay in u dhaco shilkaas oo ay ardayda intaas la eeg u dhaawaca ka soo gaaray.

Wadadan ayaa aalaaba waxa ka dhaca shilal oo ay ku nafwaayen dad badan tan iyo biisha January ee sanadkan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *