Brazil oo maanta laga soo dajiyay meydadka dadki ku geeriyooday shilka diyaarada

Magaalada Chapeco ee kutaala waddanka Brazil ayaa waxa maanta oo sabti ah laga soo dajiyay meydadka ciyaartoydi ku geeriyootay shilka diyaaradi isbuucan ku dhacday waddanka Columbia.

Shilka diyaaradaas ee ahayd BAe146 ayaa waxa ku geeriyooday 71 ruux waxana diyaaradaas iska lahayd shirkad laga leeyahay waddanka Bolivia.

Shilka diyaradaas ayaa waxa ka bad baaday oo kaliya 6 qof oo ay kamid ahaayen 3 kamid ah ciyaartoyda kooxda Chapecoense.

Wararka qaar ayaa sheegaayay in diyaaradaas ay u dhacday shidaal la’aan.

Dhanka kale madaxweynaha waddanka Bolivia Evo Morales ayaa balan qaaday in ay bilaabi doonan baaritaano ay ku oganaayan waxa ka dambeeyay shilka ay diyaaradaas gashay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *