Dab ka kacay gobolka California ee Mareykanka oo laga cabsi qabo in dad badan ay ku dhinteen

Dad tiradoodu lagu qiyaasayo tobanaan qof ayaa laga cabsi qabaa in ay ku nafwayeen dab ka kacay  gobolka California ee waddanka Mareykanka.

Dabkan aya qabsaday goob ay ka socotay xaflad  heesaha kala duwan lagu soo bandhigayay  oo ku taal magaalada Oakland ee gobolka California .

Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay geerida 9 qof hasayeeshee waxa ay sheegeen in dhimashada ay   sara u kici karto oo ay gaari karto   ilaa 40 qof.

Dabka ayaa ka kacay guri ku yaala magaalada Oakland, halkaasi oo saqafkii kore uu ku soo dumay dadkii xafladda joogay.

Dadkan xaflada muusikada ka qeyb gelayay ayaa badankoodu  da’doodu lagu qiyaasay 20 ilaa 30 sano jir.

Madaxa waaxda dabka ee magaalada Oakland Teresa Deloche-Reed ayaa sheegtay in 50 ilaa 100 qof loo malaynayo inay goobta ku jireen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *