Gudiga PSC  oo madaxweynaha u gudbin doono  magacyada dadka doonaya in ay qabtaan xilka ugu sareeya ee EACC

Gudiga  dalkani Kenya u qaabilshan adeega dadweynaah ee loo soo gaabiyo PSC ayaa lagu wadaa in  berito ay madaxweyne Uhuru Kenyatta ku warejiyaan  magacyada 3 qof oo  loo soo xushay in midkood uu noqdo gudoomiyaha gudiga   anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa EACC.

Prof Margaret Kobia  oo ah guddomiyaha   PSC ayaa warfidiyeenada u sheegtay in howsha  lagu turxaan bixinayay  sarakiishan la soo gabagabeeyay sidaas awgeedna 3 qof ay isugu soo hareen in mid ka mid ah xilka uu madaxweynaha u magacaabo.

6 qof ayaa horay  soo dirsaday codsi ay ku doonayaan in ay xilkan  kula waregaan waxaana ka mid ahaa William Kipkemboi oo horay u soo noqday maamulaha guud  ee  ururka  horumarinta beeraha ee ADC.

Sida uu qorayo sharciga loo dajiyay gudiga EACC, madaxweynaha ayaa 14 maalmood gudahood  seddexdan qof mid ka mid ah soo magacaabi doonaa.

Xilkan ayaa banaanaday kadib markii bishii August ee sanadkan  gudoomiyihii hore uu isku casilay cadaadis la saaray awgeed .

Cadaadiskan ayaa ka dambeeyay fadeexad lacag looga lunsaday waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS oo shirkad  la sheegay in qoyskiisa uu leeyahay lala xiriiriyay.

Liiska magacyada  68 qof oo horay  jagadan u soo codsaday ayaa wax kama jiraan laga soo qaaday oona  mar kale la shaaciyay in jagadan anan weli la buuxinin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *