Hogaamiyaha kooxda  daacish ee Waqooyiga Qowqaas oo la dilay

Wararka ka imaanaya  dalka  Ruushka ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee wadankaasi ay dileen  hogaamiyihii  kooxda daacish ee Waqooyiga Qowqaas.

Hogaamiyahan ayaa magiciisa lagu sheegay Rustam Aselderov.

Sida laga soo xigtay laamaha   amaanka ee Rushka , ninka ayaa  ka mid ah shan qof oo lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamada amniga iyo ilaalada wasiirka arrimaha gudaha .

Dhanka kale ninkan ayaa lagu eedeyay weeraro badan oo dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Ruushka gaar ahaana weerarkii Ruushka ka dhacay sanadii 2013-kii oo lala beegsaday   qad tareen oo shacabka ay isticmaalaan oo ku yaalla magaalada Volgograd.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *