Maraga oo lagu booriyay in uu la dagaalo dadka carqaladeya arrimaha cadaalada  

Madaxa cadaalada dalka  David Maraga ayaa lagu booriyay in uu isu diyariyo dagaal adag oo ka dhan ah dadka isku daya in ay carqaladeyaan  geedisocodka hannaanka cadaalada .

Wasiirka waxbarshada ee  Dr .Fred Matiang’I  ayaa sheegay in David Maraga uu kaalin muhiim ah ku leeyahay in la xaqiijiyo sidii arrimaha cadaalada ay u noqon lahayeen kuwo aynan cidna faragelin.

Dhanka kale Dr.Matiangi’I oo hadalkan jeediyay isaga oo ku sugan countiga Nyamira ayaa carabka ku dhuftay in madaxa cadaalada ee dalka  talaabada uu qaadayo  ay noqon karto mid la amaana ama dhaliil loo soo jeediyo.

Sido kale David Maraga aya loo soo jeediyay in uu diirada saaro sidii uu uga guuleysan lahaa dambiilayasha ka dhex jiro waaxda garsoorka.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo begmaya iyada oo  uu dhanka kale David Maraga qudiisa ugu baaqay garsoorayaasha in ay ka go’naato u adeegida dadweynaha.

Isaga oo  baaq u jeedinaya sarakiisha kala duwan ee waaxda garsoorka ayuu yiri hadii si daacad ah an ugu adeegno dadweynaha, waxaa la ogaanaya in an ilalineyno  sumcada hannanka cadaalada ee ka jiro dalkeena.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *