Musharixiinta xilka guddomiyaha midowga Afrika oo ay dood dhex mari doonto

Todobaadkan ayaa markii ugu horeysay taarikhda qaarada Afrika lagu wadaa in musharixiinta kala duwan ee u hanqal taagaya jagada guddomiyaha midowga Afrika  ay dood dhex marto  doorashada ka hor

Wasiirada arrimaha dibada  iyo ganacsiga caalamiga ah  ee dalkani Kenya Amina Maxamed  oo dooneyso in ay xilkan ku guuleysato ayaa ergada  wadamada Afrika ku dhiira gelineyso in ay tageraan musharaxnimadeeda.

Amina aya balan qaaday in ay soo afjari doonto guumeysiga ka dhan ah wadamada qaarada Afrika oo ay sheegtay in uu weli jiro.

Guddiga midowga Afrika ayaa doodan   qabanqaabinaya.

Waxaa jagadan tartan ugu jiro   wasiirka arrimaha dibada ee dalka Equatorial Guinea Agapito Mba Mokuy,  Amina maxamad oo ah wasiirada arrimaha dibada ee Kenya, Moussa Faki Mahamat oo ka soo jeedo Chad ,  Abdoulaye Bathily oo ka soo jeedo wadanka Senegal iyo  Pelonomi Venson-Moitoi oo u  dhashay Botswana.

Ilaa iyo hada ma cada  inta 5-tan musharax ay dooda ka qeyb gelayaan.

Fariin ka soo baxday  xafiiska midowga Afrika ayaa lagu sheegay  in doorashadan aynan si toos ah uga qeyb qaadanin shacabka  dalalka kala duwan  ee Afrika.

Musharixiinta ayeynan si fool ka fool ah dood u dhex mari doonin balse   balse mid kasta suaal ku aadan arrimaha ka taagan Afrika ayaa loo soo bandhigaya oona fursad loo siinaya in uu ka jawaabo.

Dibloomaasiyiin  wakiil ka ah shacabka ku  dhaqan  wadamada kala duwan ee hoos tago qaarada Afrika ayaa iyagana fursad loo siinayaa in ay musharixiinta weydiyaan suaalaha ay qabaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *