Shuruuc hor leh oo la xiriirta doorashada oo dhawaan la dhaqangelinayo  

Hoggamiyasha  u hanqal taagaya jagooyinka siyaasadeed ee sanada 2017-ka ayaa la sheegaya in uu walaac ku  abuuray shuruuc hor leh oo la filayo in dhawaan la dhaqangeliyo.

Shuuucdan aya waxaa ka mid ah in taarikha kama dambeysta ah ee lacago laga bixin karo munaasabadaha lacag arrurinta ay tahay 8-da bishan Disembar sanada 2016-ka.

Xildhibanada  aqalka baarlamaanka ayaa laga doonaya in ay heystaan shahaadada degree halka  wakiilaha golaha countiyadana laga rabo ugu yaraan shahaadada diploma.

Dhanka kale waxaa shurucdan qeyb ka ah in siyaasi kasto uu diiwangeliyo dad la aqoonsanyahay oo maareya lacagaha ay u adeegsadaan ololaha siyaasadeed.

Ku xigeenka guddomiyaha xisbiga Jubilee David Murathe ayaa xubnaha xisbiga ugu baaqay in arrintan u hogaansamaan.

Guddomiyaha xisbiga ODM John Mbadi ayaa sheegay in ay qabanayan kulamo kala arrimahan loogu faahfaahinayo musharixiinta adeegsan doono tiketka ODM.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *