11 qof oo ku dhimatay  dab  ka kacay loojin  ku  yaalo  Pakistan

Dab arrornimadii saaka ka kacay mid ka mid ah hoteelada ugu waweyn ee magaalada Karachi  ee  dalka Pakistan ayaa waxaa ku nafwayay 11 qof halka 75 kalena ay ku dhawacmeen.

Booliska dalkaasi ayaa sheegaya in  qaar ka mid ah dadka  ku sugnaa qeybta jiifka ee maqaaxidan la arkay iyaga oo daaqadaha ka baxaya

Xiliga uu dabka ka  kacayay maqaaxida Regent Plaza  ayey dad badan jiifeen.

Duqa magaalada Karachi Waseem Akhtar  ayaa warfidiyeenada u sheegay in maqaaxida aysan lahayn hannan dabka  lagu damiyo iyo  meel si dhow looga baxo hadii  ay xaaladan oo kale timaado.

Dhanka kale booliska ayaa sheegaya in ay ku qaadatay mudo 3 saacadood ah si dabkann loo damiyo.

Dhaqtar  ka mid ah howlwadeenada caafimadka ee cisbitaalka Karachi ayaa sheegay in dadka   dhintay ay ka mid yihiin  4 haween ah.

Saqib Memon oo ah madaxa ugu sareya ee booliska aya dhimashan iyo dhaacawaba xaqiijiay  isaga oo sheegay in ay baaritaana wadaan balse ilkaa iyo hada aynan garaneyn sababta dhabta ah ee ka dambeysay in uu dabkan kaco.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *