42 ka mid ah gavanarada dalka oo maalinta  dimuqaradinimda dalka  ballad sharaf la gudoonsiinayo

Golaha  ay ku bahobeen gavanarada dalka ee loo soo gaabiyo COG ayaa 42 ka mid ah gavanarada u soo magacaabay in  maalinta  la xusayo dimuqaradinimada dalka ee loo yaqaano  jamhuri day ay dowlada ku aqoonsato  sida ay  wadanka ugu adeegen.

Malinta dimuqaradinimada dalka ayaa la xusaa  12-ka bisha Didembar sanad kasta  waxaana lagu maamuusa  taarikhda marka ay ahayd 12-ka bisha Disembar ee sanadii 1964 –tii oo ay Kenya si buuxda u noqotay dal dimuqaradi ah oo ismaamul ka jiro.

Waxaa gavanaradan la siinaya ballad lagu magacaabo  EGH oo la xiriirta hogaankan waxaayna ka  turjmeysa  kaalinta ay ka qateen horumarka dalka  inta ay gavanara ahayeen ama ka hor inta anan jagadan loo dooranin.

Gavanaha countiga Kiambu  William Kabogo ayaa la soo jeediyay in balladan  la siiyo maadama  uu qaab dijitaal ah ka dhigay canshuur arrurinta.

Sido kale gavanaha  countiga Nyeri Nderitu Gachagua ayaa lagu aqoonsanayaa  hogaanka wanaagsan oo uu maamul goboleedka  ugu horseeday dhanka beeraha, waxbarshada   iyo kaabayaasha wadooyinka.

Xassan Cali Joho oo ah gavanaha Mombasa  ayaa sido kale liiskan ku jiro  maadama sida la sheegay uu wanaajiyay howlaha caafimad ee countigiisa iyo sido kale maareynta  ciriiriga dhanka gawaarida.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *