Dhageysiga dacwad ka dhan ah taliyihii  ciidanka  LRA  oo  berito  maxkamada ICC ka billabanayo

Waxaa berito oo  talaada ah  maxkmada caalamiga ee dambiyada dagaalaka ee ICC ka billabaneyso dacwad ka dhan ah taliyaha falaagada  LRA ee dalka  Ugandha.

Hay’ada xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa  warsaxaafadeed ay soo saartay oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacada star fm maanta shaaca kaga  qaaday in dhageysiga dacwadn ayaa tahay talaabo muhiim ah oo ku aadan in falaagadan lagula xissbatamo  xadgudubyada ay ka geysteen  waqoyiga dalka Ugandha.

Waxaa maxkamada la hor geynayaa Dominic Ongwen  oo taliya sare ka ahaa falaagada LRA.

Dacwada ayaa dib loo dhigi doona tan iyo 16-ka bisha January ee sanada 2017-ka markaasi oo dacwad oogayaasha ay cadeeymahooda soo bandhigayaan.

Elise Keppler oo hay’ada u qaabilsan cadaalada caalamiga ah ayaa sheegay in hada ka hor taliye ka tirsan kooxdan anan maxkmad la horgeynin.

Falaagada  LRA  ayaa lagu eedeyay in mudo 30 sano ah ay xadgudubya kala duwan u geyteen  shacabka dalka Ugandha iyo in sido kale ay afdubeen  tobanaan kun oo caruur ah oo ay dagaalyahano ahan u  shaqaleysiiyeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *