Dowlada oo loogu  baaqay in ay fursadaha  shaqo qeyb ka siiso  naafada

Labo maalmood  ka dib markii dunida laga xusay maalinta naafada  ee sanadkan aya waxaa hada soo baxaya baaq loo jeedinayo dowlada dhexe iyo dowladaha countiyada oo ku aadan shaqaleynta dadka naafada ah.

Harold Kipchumba oo sanadii  2015-ka ay qaramada midoobay  gudoonsiisay billada sanadka ayaa walaac ka muujiyay  in dadka naafada ah la takoorayo.

Mr Kipchumba ayaa sido kale u ololeeya in lagu dadaalo  talaalka ka dhan ah cudurka daweesha ee polio.

Wuxuu  sido sido kale xusay in maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe looga baahanyahay in ay dadka naafada ah ka qeyb geliyaan howlaha qaran.

Dastuurka ayaa qabo in hay’adaha kala gedisan ay shaqaleysiyaan boqolkiba 5 ee dadka lixaadka uunan u dhameystirneyn.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *