Maalinta dunida ee carrada oo  caalamka laga xusayo   

Maanta oo kale sanad kasta taarikhda marka ay ku beegantahay 5-ta bisha Disembar waxaa caalamka laga xusaa maaalinta dunida ee carrada.

Waxaa xuskan looga gol leeyahay  in dadka lagu   wacyigeliyo muhimada ay carrada leedahay.

Munsabada ugu weyn ee xuskan maalintan ee sanadkan 2016-ka ayaa ka dhacay  xarunta ugu weyn ee hay’ada cunada iyo beeraha ee FAO oom ku taalo caasimada Rome ee  Talyaaniga.

Ururka caalamiga oo ay ku bahobeen  saayaansiyahanada   arrimha carrada ku  taqasuay ayaa sanadii 2002-dii  taarikhdan oo kale u asteeyay munsabadan.

Xogahayaha guud ee  qaramada midoobay, Ban Ki-moon ayaa ku baaqay in fiira dheer loo lahaado arrimaha ku saabsan carrada, isbedelka cimilada, nafaqada iyo sido kale caafimadka baniaadanka.

Maalinta dunida ee carrada ayaa la xusayay tan iyo sanadii 2013-kii kadib markii   golaha hay’ada FAO uu  ogolaaday heshiis  ku saabsan xuskan laguna dhaqangeliyay kalfadhigii 68-ad ee golaha qaramada midoobay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *