Xisbiga  midigta  fog ee dalka Austria oo  aqbalay in doorashada madaxweynanimo looga  adkaaday

Doorashadii madaxweynanimo ee shalay ka dhacday dalka Austria ayaa waxaa ku guuleystay  xisbiga cagaarka  oo uu matalayay Alexander Van der Bellen.

Daqiiqado ka dib markii ay soo baxday in  Alexander Van uu weli horeeyo ayaa waxaa durbaba in laga  adkaaday aqbalay Norbert Hofer oo  matalayay xisbiga midigta fog.

Maanta oo isniin ah ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo natiijada doorashada.

Madaxa ugu sareeya   ee  istaraatiijiyada xisbiga cagaarka Herbert Kickl  oo la hadlay  warbaahinta Austria ayaa sheegay in uu  u hambalyeynayo Mr Van der Bellen.

Marka la eego  codadka kala duwan ee la diibtay  Mr  Van der Bellen  ayaa ilaa iyo hada inta la tiriyay helay boqolkiba  53.6  halka musharixii la tartamayayna uu helay codad dhan boqolkiba 46.4 .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *