1,300  oo muhaajiriin ah oo laga soo  badbaadiyay badda Mediterranean-ka

Muhajiriin ay tiradoodu kor u dhafeyso 1,300  ayaa labadii maalmood ee ugu dambeyay laga soo badbaadiyay badda Mediterranean-ka  halka  16  kalena meydadkooda la helay.

Ciidamada badda ee  Talyaaniga ayaa sheegay in markab ay iska leyihiin oo lagu magacabo Diciotti  oo helay meydadka dadkan  oo gaaray 11  ka dhex helay doonyo.

Markab kale oo ganacsi ayey warku sheegayan in helay 3 meyd oo kale.

Dhanka kale  sida laga soo xigtay ciidamadan  m arkab kale oo  ka shaqeeya arrimaha gargaarka  ayeyna u suurta gelin in uu soo samata bixiyo laba qof oo kale oo haween ah.

285  muhajiriin ah ayaa maalintii sabtida la soo  samatabixiyay ,791  kale ayaa maalintii axada la helay halka 231  kalena shalay oo siniin ahayd la soo badbaadiyay.

Dadkan waxaa ka mid ah qoys kas oo jeeda dalka  Suuriya  oo ay caruur ku jiraan.

In ka badan 173,000  oo tahriibayaal ah oo sanadkan gaaray Talyan iga  ayaa badankoodu ka tagay  wadamada dhaca  geeska iyo  galbeedka qaarada Afrika  .

Qaramada midoobay ayaa sheegeysa in  ugu yaraan According to the 4,700 oo qof ay dhinteen ama la la’yahay oona laga cabsi qabo in ay quusteen iyaga oo gudbaya badda   Mediterranean-ka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *