Gambia  oo aan ka bixi doonin hannankii lagu soo dhisay maxkamada ICC

Madaxweyanha dhawan la doortay ee dalka Gambia President-elect Adama Barrow  aya waresyi uu siiyay talefishin laga leeyahay jarmalka ku sheegay in aynan jirin wax sabab ah oo keeni karto in dalkiisa uu siaga maxa maxkamada ICC.

Adam Barrow ayaa ka dhawajiyay in maxkmada  caalamiga ee dambiyada dagaalada ee ICC ay  u ololeyso  maamul wanaaga taasna ay ka mid tahay waxa aasaaska u ah dowladiisa.

Isaga oo arrintan ka  hadlaya ayuu yir waxaan dib ugu soo laabaneyna dallada  Commonwealth  halka an xubin ka noqoneyno dhamaan ururrada caalamiga ah.

Wuxuu intaas ku daray in marka uu  hogaanka dalka uu la wareego uu billabayo baaritaana ku aadan waxyaaba badan oo dalka ka dhacay.

Doorashada ka hor ayey ahayd markii uu madaxweyne Yaxya Jammeh, ku wargeliyay qaramada midoobay in Gambia ay isaga baxaeyso  maxkamada ICC.

Gambia  ayaa xiligaas noqotay dalkii sedexaad oo digniin arrintan la xiriira soo saaro.

Dalalka koonfur Afrika iyo  Burundi ayaa horay ugu gacan seyray baaq ka soo yeeray xighayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-moon oo ku aadanaa in ay go’aanka ay uga baxayaan maxkamada ka laabtaan  balse  way ka biya dideen   waxayna qoreen warqada ay ku xaqiijinayaan in ay go’ankooda ka mira dhalinayaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *