Gavanaha  maamul goboleedka  Nairobi Evans Kidero oo beeniyay warbixin sheegeysa in countigiisa lacag laga lunsaday

Gavanaha maamul goboleedka Nairobi Dr. Evans Kidero ayaa arrin anan suurta geli Karin ku tilmaamay in countiga uu madaxa ka yahay laga lunsaday lacag dhan 20 bilyan oo shilin sida lagu xusay warbixin la xiriirta hantidhowrka oo la sameyay sanadii 2014-kii ilaa iyo 2015 kii.

Hadalkan oo gavanha jeediyay isaga oo ku sugan magaaladatani Nairobi ayuu ku sheegay in hadii sida lagu  eedeyay lacagtan la lunsan  lahaa waxay saameyn lahayd howlaha   maamul goboleedkiisa.

Wuxuu intaas ku daray in aynan suurta geli lahayn in mushar la siiyo shaqaalaha iyo sido kale la maalgeliyo waaxyaha kala duwan.

Dr.Kidero ayaa yiri waxaan la yaabay warbixintan, macquulna ma aha in isadaba marin lagu sameyo dhamaan  dhaqliga Nairobi ka soo galo canshuurta la arruriyo.

Intii u dhexeysay sanadihii 2014-2015 –kii  waxay golaha dowlada hoose ee Nairobi aruuriyeen 11 bilyan oo shilin waxaana dowlada dhexe uga timid 12 bilyan oo shilin sida uu ka dhawajiyay gavanaha.

Wuxuu cambaareyay hantidhowrka guud  isaga oo carabka ku dhuftay  in  lacagta la  sheegay in la lunsaday  ay been abuur tahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *