Gudiga EACC oo 93  sarkaal  u fidinayo  tababar la xiriira la dagalanka musuqmaasuqa

Sarakii sare  oo ka tirsan maamul goboleedka Embu iyo sido kale dowlada dhexe  oo ay tiradoodu gaareyso 93 ayaa lagu wadaa in gudiga  anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC uu  siiyo tababar la xiriira qaabka uga wanagsan ee msuqmaasuqa loola dagaalamo.

Ku xigeenka  agaasimaha guud ee gobolka bartamaha Kenya Jackson Mue ayaa sheegay in sarakiisha la tababarayo ay  noqon doonaan kuwa ka tirsan golaha  fulinta ee countiga Embu  iyo sido  kale wakiilada  goalaha hoose ee baarlamaanka.

Mr Mue  ayaa  intaas ku daray in  dambiya   ku saabsan musuqmaasuqa ay  sanadkiba marar   badan soo noqnoqdaan sidaas  awgeedna ay sarakiisha  u tababarayaan  in aynan dambiyadan  ugu lug lahaanin iyaga oo anan ogeyn.

Hasa ahate,Mr Mue ayaa carabka ku dhuftay in sarkaalkii hada la darensiiyo dambiyada soo noqnoqdo ee  ku saabsan musuqmaasuqa oona mar kale  falkaasi sameeyo laga qaadayo talabo sharciga waafaqsan.

Mr Mue  ayaa dhanka kale xusay in gudiga EACC uu eegayo warbixinta hanta dhowrka guud ee dalka  Edward Auko oo lagu sheegay in lacaga badan looga lunsaday countiyada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *