Gudiga IEBC  oo siyasiyiinta uga digay  ololaha  siyaasadeed  oo ay xili hore  billabeen

Gudiga madaxa banaan ee  doorashooyinka iyo xuduudada  ee IEBC ayaa doonaya in siyaasiyiinta ay  meesha ka saran  sawirada   ku aadan ololahooda siyaasadeed ee lagu dhajiyay  goobaha kala duwan.

Tallabadan ayaa qeyb ka ah dadaalada lagula tacaalayo  ololaha ay siyasiyiinta ku doonayan in xilalka hogaan  loo soo doorto  oo xili hore la billabay.

Hoggamiyasha ayaa looga digay in ay jabiyaan shruurcda la xiriirta ololaha maadama dastuurka uu qabo   in olola siyasadeed oo  rasmi ah uu billaban karo 28 bisha june  ee sanada 2017-ka oo uuna ku egyahay   6-da bisha sideedad ee  sanadka soo socdo.

Andrew Limo  oo ah maamulaha isgaarsiinta ee gudiga IEBC ayaa sheegay in tallabo sharciga  waafaqsan laga qaadayo qofkii sharciga u yaala ololaha jabiya.

Maamulaha ayaa intaas ku daray in ay suurta gal tahay in siyasiyiinta   dacwad lagu soo oogo   ama laga hor sitaago in ay ka qeyb galaan doorashada  guud ee soo socoto.

Waxaa suaal laga keenay lacagaha faraha badan ee loo adeegsaday in  boorar badan oo ay ma muuqadaan saworada siyasiyiinta goobo fara badan lagu dhajiyay.

Isku duwaha arrimaha amaanka ee gobolka Rift Valley Wanyama Musiambo  ayaa sheegay in siyasiyinta wada olola siyasadeed oo wax u dhimaya xasiloonida gobolka xabsiga loo taxaabayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *