6 ka mid  ah saraakiisha sar sare ee boliiska oo shaqada dib loogu soo celiyay kadib racfan  ay  qateen

Afhayeenkii hore ee ciidamada booliska gaar ahana kuwa maamulka ee AP-da Masoud Mwinyi    iyo 5 kale oo ka mid ah saraakiisha hayay xilal sare ayaa racfaan ka dib shaqadoodu dib u billabaya.

20 sarkaal ayaa  bishii Oktobar ee sanadii 2015-kii shaqada laga eryay  kadib turxaan bixin ka sameeyay.

Marka laga soo tago afhayeenka, saraakiisha kale ee shaqadoodu sii wadanayo ayaa  waxay kala yihiin Mr Wiliam Metto, Mr Japheth Ngatwa, Mr Chacha Daniel Chacha, Mr William Kariuki Ngugi  iyo  Mr Festus Malinge Luruma.

12 ka mid ah 20-ka  horay shaqa looga tiray ayanan ku guuleysanin  turxaan bixinti la sameyay  halka mid kalena  uu go’aansaday in uu xili hore howlgab noqdo k mid kalena ay dacwad ku socoto.

Guud ahaan  waaxda  ciidamada wadooyinka ee taraafikada aya u badan sarakiisha shaqada laga tiray  waxayna tiradoodu gaareysa 127.

Guddomiyaha gudiga qaran ee adeega booliska Johnston Kavuludi ayaa sheegay in 904 sarkaal la turxan bixiyay halka 127 ka mid ah shaqada laga ceyriyay kadib markii lagu cadeeyay in ay musuqmaasuq sameyeen.

Dhawaan ayuu gudigan qorsheynayaa in uu bilaabo turxan bixin ka dhan ah  sarakiisha  ka howlgalo countiyada  Kajiado, Nairobi  iyo guud ahaan  gobolada  bartamaha, bariga iyo waqooyi bari Kenya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *