Garoonka diyaaradaha ee JKIA oo la xirayo mudo hal saac ah  

Howlaha  gadiidka iyo sido kale safarada   garoonka caalamiga   ee JKIA oo ku yaalo magaaladatani Nairobi ayaa lagu wadaa in maanta  ay istagaan mudo hal saac ah.

Tallabadan ayaa ka dambeysay  kadib markii shirkada  qaran ee duulimadka Kenya Airways ay  ku dhawaqday in laga bilaabo 11: 20 barqanimo  garoonka la xirayo.

Waxaa garoonka dib loo furaya saacadu marka ay ku beegantahay 12: 20 ee duhurnimo.

Ciidamada  hawada  ayaa mudadan fursad loo siinaya in ay garoonka ku qataan   tababar la xiriira dhanka jimicsiga jirka ah  .

Wararka ayaa intaas ku daraya in duulimaadyada shirkada KQ dib u habeyn lagu sameyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *