
Shacabka dalka Ghana ayaa maanta u dareeray doorsho madaxweynanimo oo la doonayo in xilka lagala wareego madaxweyne John Mahama.
Madaxweyne Mahama ayaa waxaa loola adag kula jiro wasiirkii hore ee arrimaha dibada Nana Akufo-Addo.
Musharixii ku guuleysto doorashadan ayaa xilka madaxweynanimo hayn doona mudo 4 sano ah.
Doorashadn ayaa ku soo begmeysa xili ay iso soo tarayaan fadeexada kala duwan oo la xiriira musuqmaasuqa halka dhaqalaha dalkaasi uu hoos u dhac ku yimid sicir bararkana uu aad u sareeya.
Waxaa codeynaya 15 milyan oo ah codbixiyaasha la diiwangeliyay.
Todobo musharax aya xilkan madaxtinimo u tartamaya .