Gudiga IEBC oo sheegay in 30 bilyan oo shilin lagu qarsh gelinayo doorshada guud ee sanada 2017-ka

Gudiga  madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa lacag dhan 30 bilyan oo shilin u adeegsan doonaa maareynta doorshada guud ee sanadka soo socdo.

Madaxa fulinta ee gudiga IEBC Ezra Chiloba ayaa arrintan shaaca ka qaaday isaga oo ka hadlayay  kulanka 4-ad ee sanadlaha ah  oo ay yeshaan  golaha qaran ee countiyada  dalka oo ka dhacay countiga Kericho.

Mr Chiloba ayaa sheegay in lacagtan aynan aad u badneyn sidaas awgeedna  shilin kasta oo la isticmaalo gudiga lagala xisaabtamayo.

Dhanka kale wuxuu carabka ku dhuftay in ay qabanayaan doorsho ku saleysan cadaalada, daahfurnaan iyo kalsooni.

Wuxuu intaas ku daray hadii la rabo in doorasho noocas oo kale ah ay qabsoonto, waa in   si  buuxda  loo qarash geliya.

Hasa  ahate, Mr Chiloba  ayaa xusay in  horay  u qorsheyeen  sidii 22 milyan oo codbixiyaal ah ay howlaha diiwangelinta  loogu bartilmaamedsan lahaa.

Shacabka  ayuu ugu baaqay in ay isdiiwangeliyan  halka codbixiyaasha hada la diiwangeliyay ay tiradoodu gaareyso  15.8 milyan keli.

In ka badan 35,000  oo babuur ah ayaa loo adeegsan doona  in warqadaha codbixinta looga qaado Nairobi ilaa iyo xarumaha   codadka laga dhiibanayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *