Laan ka shaqeyn doonto in doorashada soo socoto ay si nabad ah ku dhacdo  oo la soo dhisayo

Dowlada dalkani Kenya ayaa shaaca ka qaaday in la soo dhisayo  laan qaabilsan arrimaha amaanka oo ay ka howgelayanciidamada kala duwan si looga hor tago in doorshada guud ee sanada 2017-ka ay rabshado sameyaan.

Talaabadan ayaa  timid kadib markii  la ogaaday in waaxyaha kala duwan aynan  si buuxda wada shaqeyn uga dhexeynin.

Qeybtan ayaa waxaa ka howlgeli  doono saraakiisha gudiyada IEBC, EACC , waaxda dambibaarista ee CID-da , booliska iyo  sido kale  agaasimaha guud ee dacwad oogista .

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Prof Githu Muigai ayaa  sheegay in dowlada ay ku dadaleyso sidii looga wada shaqeyn lahaa  xasiloonida dalka gaar ahaana xiliga doorshada.

Balse senetarka countiga kakamega Boni Khalwale   ayaa dhankiisa  ka dhawajiyay in arrintan ay tahay qorsho la dajiyay keli balse  aynan ahayn mid laga mira dhalinayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *