Madaxweynaha dalka iyo kuxigenkiisa oo mashaaric hormarineed ka furay deeganada Ukambani

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo kuxigenkiisa William Ruto oo booqasho laba maalin qaadaneyso kujoogo deeganada Ukambani ay shalay oo talaado aheyd waxay xariga ka jareen mashaaric hormarineed.

Mashaaricdan ayaa waxaa kamid ah wado isku xiri doonto Kibwezi ilaa Migwani oo ay ku keceyso lacag dhan 184 Bilyan oo shilin taaso dheerarkeedu yahay 192 Kilomitar.

Wadadaasi ayaa sida la sheegay waxay fursad u siin doontaa dadka deeganka in si fudud ay ganacsigooda ugu wataan sida Madaxweynaha uu sheegay.

Xili uu ka hadlayay Magaalada Mutomo ee Maamul goboledka Kitui ayuu Madaxweynaha waxuu fursadaasi oga faaidestay in uu cambaareyo garabyada mucaaradka dalka oo dhaliilo u jeediyo dowlada dalka.

Dhanka kale booqashadooda oo sidoo kale qeyb ka ah olola doorasho oo taagero ay ugu raadinayaan xisbiga taalda hadda haya ee Jubilee, Madaxweynaha iyo kuxigenkiisa waxay shacabka deeganada ay cagta mariyeen ugu baaqen In ay gacan siiyan Jubilee doorashada soo socota.

Maanta oo arbaca ah ayaa sidoo kale la filayaa in labada hogaamiye ee ugu sareeyo dalka ay sii joogan Ukambani, waxaana la filayaa in gelinka dambe ee isla maanta ay u soo dhamaato booqashadooda.

Maalmihii lasoo dhaafay Madadaxwenaha iyo kuxigenkiisa ayaa sii kordhiyay booqashooyinka ay ku tagayaan qaar kamid ah gobolada dalka halkaas oo ay mashaarci hormarineed kasoo fuliya sidoo kalana ugu ol ololeeya xisbiga Jubilee.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *