Ururrada dhaqatiirta iyo  wasarada caafimadka oo  saaka lagu wado in ay ka wada hadlan shaqajoojinta dhaqatiirta

Iyada oo shaqa joojinta qaran oo ay ku dhaqaqeen ururada dhaqatiirta iyo kalkaaliyaasha  ay maalinkii sedexaad gashay ayaa waxaa maanta la filaya in ay  kulan yeshan dhinacyada kala duwan ee Isfahan waagan u dhexeya.

Kualnakan  aya noqonaya midkii sedexaad oo ilaa iyo hada wasiirka cafimadka Cleopa Mailu uu sheegayo in anan xal kama dambeys ah la gaarin balse ay sii wadayaan geedisocdka  la xiriira in  howlwadeenada ay shaqadoodu dib ugu laabtan.

Shalay ayey  ahayd markii kulan la qorsheeyay unan qabsoomin kadib markii sida la sheegay sarakiisha ururka qaran ee  KMPDU ay shirka isaga baxen halka ay dowlada ku eedeyen ain ay ku qasbeyso in ay shaqa joojinta soo afjaraan.

Ururka kalkaaliyasha ayanan kulankan ka qeyb gelin maadama ay doonaya in wasiirka caafiamadka  iyo xoghayaha wasaradasi Dr. Nicholas Muraguri aynan ka mid noqonin gudiga arrintan  ka wada hadlaya oona xal u raadinaya.

Dhanka kale saameynta ka dhalatay gadoodkan dhaqatiirta ayaa  laga daremaya xarumaha caafimadka ee dalka oo ilaa iyo hada 19 ay u dhinteen  daryeel caafimadka oo aynan heli awgeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *