Wakiilada  golaha countiga Nairobi oo doonayo in gavanaha  lagula xisaabtamo 20-ka bilyan ee la sheegay in la lunsaday

Wakiilada  golaha baarlamaanka hoose ee countiga Nairobi gaar ahaana kuwa ka soo jeedo xisbiga Jubilee ayaa  Dr.Evans Kidero ku dhaliilay  hadalka ka soo yeeray oo uu wax kama jiraan ku tilmaamay  warbixinta lagu sheegay in lacag laga lunsaday countigiisa

Lacag dhan 20 bilyan oo shilini ayaa warbixin uu soo saaray hanta dhowrka guud ee dalka Edward Ouko  lagu xusay in anan la ogeyn sida loo adeegsaday.

Cabdi Guyo  oo ka mid wakiiladan ayaa shir jaraaid oo ay qabteen ka sheegay  in warbixinta ay tahay mid lagu kalsoonaan karo sidaas awgeedna loo baahanyahay  anan daaqada laga tuurin balse  baaritaan ku aadan la billabo.

Mr Guyo oo fadeexadan ka halaya ayaa yiri gudiiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC iyo  agaasimaha waaxda dacwad oogista Keriako Tobiko   waxaan  ugu baaqeyna in ay sida ugu dhaqsiyaha badan  baaritaanadan guda galaan .

Wuxuu intaas ku daray in golaha hoose ee maamul goboleeedka Nairobi uu baasmariyay 29.9 bilyan oo shilin oo lagu qoondeyay miisaniyad sanadeedkii 2014-2015-kii  halka  8 bilyan keli lagu qarash geliyay  howlo kala duwan.

Dhanka kale Mr. Guyo ayaa sheegay in tan iyo sanadii 2013-kii aynan qandarasleyda lacagtooda la sinin halka shaqooyin badan ay arrintan awgeed istageen .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *