Wasiirka waxbarashada oo dib u dhigay manhaj cusub oo  xariga laga jari rabay

Wasaarada waxbarshada ayaa mar kale dib u dhigtay  munasabad  berito oo khamiis ah lagu waday in  xariga looga  jaro manhaj cusub oo  ku saabsan tacliinta .

Dr.Fred Fred Matiang’I oo ah wasiirka waxbarshada ee dalkani Kenya  ayaa shaaca ka qaaday in  shirka qaran ee  la gu soo bandhigi lahaa manhajkan la qabanayo   6-da bisha  January ee sanadka 2017-ka.

Dr Matiang’i  ayaa hadalkan jeediyay isaga oo ku sugan machadka  horumarinta ee manhajka waxbarsho  ee KICD  xili uu guddoominayay gudi qaabilsan isbedelka lagu sameynayo  nidaamka  waxbarsho.

Hannaanka waxbarsho ee  8-4-4  oo ka jiray dalka tan iyo sanadii 1985-dii ayaa lagu dhaliilay  in uu xambaarsanyahay  maadooyin iyo macluumad badan oo aynan xamili Karin maskaxda ardayda.

Nidaamka la doonayo in   wadanka laga hirgeliyo  ayaa ah  mid lagu tixgelinayo  da’ada  iyo marxaladaha  kala duwan ee   warbarasho halka diirada la saarayo   horumarinta xirfadaha aasaas u ah noolosha   rayidka .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *