10 itoobiyaan ah oo si sharci dara ah ku joogo wadanka oo la talxiirayo

Maxkmaad ku  fadhigeedu  yahay  countiga Meru ayaa amar ku bixisay in la talxiiro 10 qof oo udhashay dalka itoobiya kuwaas oo la sheegay in wadanka ay si sharci dara ah ku joogaan.

Lucy Ambasi oo ahayd gorsooraha  dacwadan dhageysaneysay ayaa xustay in dadkan iyaga ah ay mudo badan ku jireen gacanta laamaha amaanka ka hor inta aynan racfaan qaadanin .

Waxay intaas ku dartay in anan loo baahneyn in  xabsiga lagu sii hayo.

Sido kale waxay amar ku bixisay in  10-kan qof lagu wareejiyo waaxda socdaalka dalka si  dib loogu celiyo Itoobiya.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii eedeysanayashan ay  maxkamada ka codsadeen in anan la xirin maadama sida ay hadalka u dhigeen ay ka soo carareen xasilooni daro ka jirta dalkooda oo siyaasad  salka ku heysa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *