Dhaqatiirta  dalka oo ku goodiyay in ay xirayaan xarumaha cafimadka ee sida gaarka ah loo leeyahay

Shacabka dalkani Kenya oo ay maalintii 5-ad saameyn ku  yeelaneyso shaqajoojinta dhaqatiirta iyo kalkaaliyaasha ayay suurta gal tahay in culeys kale ooh or leh uu soo foodassaro.

Ururada qaran oo ay ku bahobeen dhaqatiirta iyo kalkaaliysha ayaa wacad ku maray in ay xirayaan xarumaha caafimadka ee sida gaarka ah loo leeyahay oo ay tagan bukaanada kadib markii daryeel caafimad aynan ka helin xarumaha dowlada.

Iyaga oo garab ka helaya ururka ay ku bahobeen shaqaalaha jaamacadaha ee WASU  ayey sheegen in  xita dhaqtiirtii cisbitaalka Kenyatta ka fulin jiray adeegyada degdega ah ay  shaqa joojintan ku biireen.

Dhanka kale khuburada hada   sheegay in ay garab taganyihiin howladeenada  gadoodka ku jira ayaa talasiin la xiriirta caafimadka ka bixin jiray cisbitaalka KNH ee magaaladatani Nairobi.

Waxay si wada jir ah wacad ku mareen in laga billabo talaadada soo socoto  ay gabi ahaanba joojin doonaan howlaha xarumaha sida gaarka ah loo leeyahay ee bixiyo adeegyada caafimadka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *