Dood maanta dhex mareyso musharixiibnta xilka gudoomiyaha ee midowga Afrika

Musharixiinta kala duwan ee u tartamaya jagada guddomiyaha  midowga Afrika ee AU-da ayaa manta lagu wadaa in ay dhex marto dood ku aadan sida qof kasta hadii la doorto uu  doonayo inuu  u dhaqangeliyo xeerarka  la dajiyay.

Doodan oo ka dici doonto  xarunta ugu weyn  ee midowga Afrika oo ku taalo magaala madaxda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa noqoneyso midi ugu horeysay oo nooceeda oo kale ah.

Waxaa doodan  daadihin doono  karema Brown oo ah suxufiyad  u dhalatay  dalka koonfur Afrika iyo sido kale  Alain Foka oo ka soo jeedo dalka Cameroon.

Wasiirada arrimaha dibada  iyo ganacsiga caalamiga ah ee dalkani Kenya  Amina Maxamad ayaa la shegaya in  ay ogolaatay in ay doodan ka qeyb gasho.

Saacada marka ay tahay 7:30 fiidnimo ee caawa ayaa la qorsheyay in ay dooda billabato waxaana soo qabanqaabiyay akademiga hogaanka ee qaarada Afrika.

Musharixiintan ayanan si fool ka fool ah suaalo isku weyndiin doonin balse qof  kasta waxaa loo  bandhigaya suaal ku saabsan  arrimaha ka taagan qaarada  oona fursad loo siinayo in uu ka jawaabo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *