Gavanaha Nairobi Dr Evans Kidero oo gudbiyay dacwad ka dhan ah aqalka senetka ee dalka

Gavanaha maamul goboleedka Nairobi Dr.Evans kidero ayaa  noqday  gavanihii ugu horeeyay  oo aqalka senetka ee dalka ka gudbiyo dacwad kadib markii uu manta tallabadan ku dhaqaaqay.

Dr.Kidero ayaa hor tagay   gudiga  baarlamaanka  u qaabilsan arrimaha  cadaalada iyo  dastuurka .

Dr Kidero ayaa dhanka kale rabo in aqalka senetka uu  aasaaso  sharci ku aadan sida ugu haboon ee lagu xalin karo muranka ka dhasha dhulka  ee u dhexeya dowlada dhexe iyo countiyada si looga hortago dacwad mudo dheer qaadata oo  arrintan ku saabsan.

Dacwada uu gavanaha Nairobi u gudbiyay gudigan  ayaa ah mid sido kale  uu ku doonayo  in waaxda difaaca dalka ay siiso lacag dhan 61.5B  bilyan oo shilin oo sida la sheegay  la xiriira  dhul ku yaalo degaanka Embakasi oo la iibiyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *