Kenya oo laga xusayo maalinta la dagaalanka  ee musuqmaasuqa

Dalkani Kenya ayaa  ka mid ah wadamada manta laga xusayo malinta dunida ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Sanad kasta  taarikhda marka ay ku beegantahay 9-ka bisha Disembar waxaa dunida laga maamuusaa maalinta caalamka  ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Halkudhigga  xusaka maalintan ee sanadkan ayaa ah  in lagu  midoobo  la dagaalanka musuqmaasuqa  si loo helo  horumar, nabad  iyo amaan.

Xogahayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-moon ayaa ku baaqay in shacabka dalalka kala duwan ay ka go’onaato  in musuqmaasuqa laga taqaluso.

Maalinta la dagaalanka musuqmaasuqa ee dunida ayaa la xusayay tan iyo sanadii  2006-dii.

Xuskii ugu horeeyay ayaa lagu qabtay  dalka  India.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *