
Mucaradka ugu weyn ee dalka Ghana ayaa madaxweynaha talada haya ee John Mahama ugub baaqay in uu ogolaado in doorashada loogaga adkaaday maadama sida ay sheegen ay ku horeyaan tirade codadka ee la diibtay.
Hasa ahaate, gudiga ololaha siyaasadeed ee madaxweyne Mahama ayaa hadalka ka soo yeeray muacaradka ku tilmaamay mid ku xadgudbayo awooda hogaanka dalkaasi.
Xisbiga NPP ayaa sheegay in musharaxooda Nana Akufo uu helay boqolkiba 52 ee codadka la diibtay halka madaxweyne Mahama oo loolan adag kula jirayna uu helay codad dhan boqolkiba 44.8.
Gudiga doorshada ayaa dhankoodu sheegay in ilaa iyo hada aynan kala cadeyn natiijo rasmi ah oo muujineysa mussharaxa guuleystay.