Sarkaalkii shaaca ka qaaday fadeexada lacagaha  looga lunsaday  wasarada caafimadka oo dhanka maaliyada loo wareejiyay

Mr.Bernard Muchere oo ahaa sarkaal wasaarada caafimad  ee dalka u qaabilsanaa arrimaha  hanta dhowrka  oona markii ugu horeysay shaaca ka qaaday fadeexada la sheegay in lacag dhan 5.1 bilyan looga lunsaday wasaradaasi ayaa hada  la geeyay wasarada maaliyada.

Sarkaalkan ayaa ka mid noqonayo isku shaandheyn   la sameyay oo saameyay 17  qof oo  xilalka hanti dowrka hayay.

Wasiirka maaliyada Mr.Henry Rotich ayaa sheegay in isku shaandheyn lagu sameyay waaxda waxbarshada ay keentay isbedelkan.

Bayaan ka soo baxay wasaarada maaliyada ayaa lagu sheegay in isbedelkan uu maanta oo khamiis ah taarikhdana ku beegantahay 9-ka bisha Disembar  sanada 2016-ka uu dhaqan gelayo.

Sarakiisha kale oo iskudhandeynta ay saameysay ayaa hada la  kala geynaya wasaaradaha gadiidka, waxbarshada, warshadaha,ganacsiga, arrimaha gudaha,beeraha, dalxiiska,cayaaraha iyo arrimaha dibada.

Mr.Francis Njau oo aha  madaxa qeybta  hantidhowrka   ee wasaarada gadiidka  ayaa hada  noqonaya  sarkaalka hantidhowrka u qabilsan  wasarada caafimadka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *