Boqolaal qoxooti ah oo surta gashay in ay galaan wadanka Spain

In kabadan 400 oo qoxooti ah ayaa lagu soo waramayaa In ay dhagxeeyen xadka wadanka Spain uu la wadaago waqooyiga qaarada Afirca gaar ahaan meel u dhow Morrcco oo ay joogan qoxootiga aad u badan.

Jose Antonio Nieto oo ah wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka ayaa sheegay in 800 qof ay isku dayeen in si xoog ah ay kuyalaan wadankaasi waxaana u surta gashay in 438 qof ay galaan iyadoo kuwa kale laga hor istaagay.

Waxaa uu sheegay in dhacdadasi ay ku dhaawacmeen 49 qof oo hadda lagu dabiibayo Isbitaalka Ceuta halka laba askari oo boolis ahna ay sidoo kale soo gaaren dhaawacyo fudud.

Xadkan u dhaxeeya Spain iyo waqooyi Africa waxaa ku xeyndaaban xeyndab aan caadi aheyn oo loogu magacday xeydanka dhimashada balse qoxootiga ayaa wax walbo u sameeyay in ay halkaasi maran.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *