Midowga Afrika oo cambareeyay haddalada ka soo yeeray Yahya Jammeh

Midowga Africa ayaa maanta oo sabti ah cambareeyay go’aanka u madaxweyne Yahya Jammeh ku qaadacay doorashada madaxweynenimo ee ka dhacday dalka Gambia waxana ay ugu baaqen in u aqoonsado natiijada ka soo baxday doorashadaas.

Madaxweyne Yahya ayaa ka hor inta uusan soo laba kacleynin aqbalay natiijada doorashadaas isagoo sheegay in laga itaal roonaaday.

Madaxweynaha ayaa aqbalay natiijada ka soo baxday doorashadaas dhacday 1-da biishan desembar balse maalinta shalay oo jimca ahayd ayaa waxa u soo saaray war saxaafadeed oo u ku sheegay in kadib baaritaano la ogaaday in ay wax isdaba marin ah ay dhacday.

Haweeneyda kasii dageyso xilka gudoomiyenimo ee dalada ay ku midooben waddamada qaaradan Afrika Dlamini-Zuma ayaa waxa ay war saxaafadeedkaas madaxweyne Yahya ku tilmaantay wax aan la ogalaan doonin iyadoo intaas ku dartay in doorashada Adama Barow ay muujineyso rabitaanka reer Gambia.

Zuma ayaa waxa ay intaas ku dartay in xisbiyada dhamaan ee ka jiro dalkaas ay u hogaansaman dastuurka dalkaas waxana ay sheegtay in gudiga xalinta khilaafaadka ee AU-da ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay arrintaas kulan ka yeelan doonan.

Ciidamo fara badan ayaa waxa la soo dhoobey wadooyinka waddankaas kadib war saxafadeedkaas galinki dambe ee maalinta shalay ahayd u soo saaray madaxweynaha Yahya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *