Qarax ka dhacay waddanka Yemen

Qof naftiis hura ah ayaa waxa u isku qarxiyay magaala madaxda waddanka Yemen ee Cadan waxana qaraxaas ku dhintay ugu yaraan 40 qof oo kamid ah ciidamadda militariga halka 70 kalena ay ku dhaawacmen.

Qofkan qaraxa geeystay ayaa isku qarxiyay goob ay ciidamadaas xulafada la ah ciidamadda sacuudiga ay mushaharaadkooda ku qaadanaayen .

Horay ayay qaraxyo noocan oo kale ah kuwaas oo lagu bartilmameedsanaayay ciidamadan xulafada ah ay uga dhaceen dalkaas iyadoo masuuliyada qaraxyadaasna ay sheegten kooxda isu magacaawday khilaafada islaamka ee ISIL.

Ciidamadda sacuudiga ayaa galay waddanka Yemen bisha March ee sanada 2015-ka si ay u la dagalamaan ciidamadda xutiyiinta ah ee gacan saarka la leh dawladda Iran kuwaas oo ka soo horjeeday jiritaanka dawladda madaxweyne Cabdurabbi Mansur Hadi.

Ugu yaraan toban kun oo qof ayaa ku geeriyooday dagaaladan sokeeye ee dalkaas ka socda ku dhawaad labo sano.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *