Shacabka kuuriyada koonfureed oo soo dhaweeyay xilka xayuubinta madaxweynahooda

Iyadoo ay isbuucyada ugu dambeeyay ay waddanka kuuriyada koonfureed ay ka socdeen dibadbaxyo waa weyn oo ay dhigaayen shacabka u dhashay dalkaas ayaa waxa maalinta shalay oo jimco ahayd ay barlamaanka waddankaas cod aqlabiyad ah xilka uga xayuubiyen haweeneyda madaxweynaha ka ah dalkaas Park Geun Hye.

Maanta oo sabti ah ayaa tobonaan kun oo ah dadka u dhashay waddankaas ay isugu soo baxeen wadooyinka halbowlaha u ah magaala madaxda waddankaas ee Seoul si ay u soo dhaweeyan go’aanka ay sharci dajiyaasha dalkaas ay xilka uga xayuubiyen Madaxweyne park Geun Hye.

Haweeneyda xilka laga xayuubiyay ayaa waxa lagu soo eedeyay in ay ku lug lahayd fadeexad Musuqmaasuq ah taas oo ay iska kaashadeen iyada iyo haweeney kale oo la sheegay in ay ahayd saaxibad aad ugu dhow oo lagu magacaabo Choi Soon taas oo hadda sugeyso in la maxkamadeeyo.

Haweeneydaas ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyay in ay ku tumatay dastuurka dalkaas u yaalo.

Mudaharadayaasha ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonan dibadbaxyada ka dhanka ah Mrs Park tan iyo inta ay maxkamadda dastuuriga ah ay ka ansixineyso in xilka laga xayuubiyay haweeneydaas.

Dadweynaha dibadbaxaayay ayaa sitay boorar ay ku qornaayen ha oyin madaxweyne Park hana ka soo horjeedsanin xilka hayuubintaada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *