Shaqa joojinta  dhaqatiirta oo ay suurtagal tahay in la soo afjaro

Shaqa joojinta ay ku jiraan dhaqatiirta iyo kalkaaliyaasha oo maalalinkii todobaad gashay aya a la filaya in beroto oo isniin ah la soo afjaro.

Arrintan ayaa suurtagal noqon karto hadii  golaha   ururka ay ku bahobeen  howlawadeenada ay ogoladaan  waxyaabaha  wakiiladooda ay  shalay kula heshiyeen dowlada.

Seth Panyako  oo ah xoghayada guud ee kalkaaliyaasha dalka ayaa  xlay sheegay in wadahadalada  ka dhaxeya dowlada uyo ururka  la gabagabeeyay  balse anan shaqa joojinta la soo afjari Karin inta  golaha ugu sareya uu ka ogolaanayo heshiiska la gaaray.

Golaha ururka kalkaaliyasha ayaa maalinta berito ah kulan yeelanyo, gadoodka howlwadeenadana waxay ku xirantahay go’aanka ka soo baxa kulankaasi.

Gavanaha countiga Kisii James Ongwae  oo ah guddomiyaha  gudiga caafimadka ee golaha  gavanarada ayaa sheegay in waxyaabihii ay  kalkaaliyasha tabanayeen la xaliyay.

Hoggamiyasha  ururada dhaqatiirta  iyo kalkaaliyaasha ayaa waxaa looga yeeray maxkamada qaabilsan arrimha shaqalagha  si ay u cadeyaan talaabada ay qadeen.

Waxay wararka intaas ku darayan in shalay bukaan ku sugnaa countiyada Tana River  iyo  Taita Taveta   ay aaden Tanzania si ay daryeel caafimad u helaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *