
Ciidamada suuriya aya degmada sheekh saciid oo daris la ah magaalada xaalb ee bariga dalkaasi kala wareegay fallagada oo aagaasi ka talin jiray.
Arrintan ayaa ku soo begmeysa maalin kadib markii ciidamada ay gacanta ku dhigeen magaalada al-Madi.
Fallagada ayaa hada gacanta ku haya 10 kilomitir ee magaalada xalab oo kumanaan shacab ay ku xayiranyihiin.
Wasiirka gaashan dhiga ee Ruushka ayaa maanta oo isniin ah sheegay in 728 oo ka mid ah fallagada ka dagaalanto suuriya ay 24-tii saacadood ee ugu dambeyay hubka dhigeen oo ay ku waregeen dhanka galbeedka magaalada xalab.