Dowlada Turkiga oo xirtay in ka badan 100 ka mid ah xubnaha  xisbiga  HDP

Wararka ka imaanaya  dalka Turkiga aya sheegay in  booliska  wadankaasi  ay xabsiga  u taxaabeen  118    sarkaal oo ka tirsan xisbiga  HDP oo lagu tuhmayo in ay xiriir  la leeyihiin   maleshiyaadka  PKK.

Sarakiishan  ayaa lagu soo qabtay howlagalo  laga fuliyay guud ahaan Turkiga sida  ay maanta qortay wakaalada warka ee Anadolu.

Howlgalka ayaa ka dambeyay kadib markii kooxda PKK ay sheegatay masuuliyada  labo qarax oo  shalay laga fuliyay magaalada Istanbul oo ay ku dhinteen ugu yaraan 38  halka  in kabadan 160 kalena ay ku dhawacmeen.

Saacado kadib markii  maleeshiyadka PKK ay sheegeen masuuliyada qaraxyadii ayey diyaarada dagaalka  ee Turkiga duqeymo ka geysteen waqooyiga ciraaq oona  lagu burburiyay xarumaha ugu weyn oo ay aagasi ku lahayeen fallagadan.

Hogaamiyasha xisbiga HDP oo ah kooxda mucaradka ee ugu badan aqalka baarlamaanka ayaa horay loo xiray oo wajahaya dacwad maxkmaadeed.

Maleeshiyaada PKK  ayey dowlada Turkiga, midowga yurub iyo mareykanka  aqoonsadeen  in ay tahay  koox argagixiso  sidaas awgeedna lala dagaalamyo cid kasta oo la sheego in ay xiriir la leedahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *