Gudiga TSC oo loo soo jeediyay  in uu  dardargeliyo   geedisocodka lacagaha lagu siinayo  barayasha howlgabka noqday

Mid ka mid ah ururada qaran ooa y ku bahobeen macalimiinta dalka ayaa gudiga adeega macalimiinta ee TSC u jeediyay in uu dadajiyo geeisocodka  barayaasha howlgalbka noqday  lagu siinayo lacagahooda.

Macalimiinta ayaa  shaqada ka fariistay sanadii 1997-dii.

Wilson Sossion  oo ah xoghayaha guud ee ururka KNUT  ayaa gudiga TSC u soo jeediyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay  ku soo afjaraan  dhibaatada  soo jireenka ah oo ay macalimiinta sanado badan  sugayeen lacagihii loogu talagalay.

Barayaal ay tiradoodu gaareyso 52,000  oo howlgab noqday ayaa  la doonaya in  loo qeybiyo  42.3 bilyan oo shilin halka wasaarada maaliyada ilaa iyo hada ay soo saartay  1.5 bilyan oo shilin miisaniyad sanadeedkan.

Sido kale  barayaasha  hada lagu guda jiro in  la siiyo lacagahan ayaa ah kuwo shaqada macalinimada  isga baxay da’a awgeed intii u dhexeysay   sanadii 1997 ilaa iyo 2003-dii.

Mr.Wilson Sossion ayaa xusay in ilaa  iyo hada  1,700  kiis la dhameystiray  oona wasaarada maaliyada loo gudbiyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *