Haweeneyda ugu culus  dunida oo  qallin loogu sameynayo India

Eman Axmad oo ah haweeney ka soo  jeedo  dalka masar oo sida la shaagay qoyskeeda ay aaminsanyihiin in ay tahay haweeneyda ugu mug weyn dunida ayaa cisbitaal ku yaala magaalada Mumbai ee dalka India  loo qaadaya sababo caafimad awgeed.

Qoyskeeda ayaa sheegay in Eman uu mugeeda yahay  oo 500  kilogram.

Haweneydan oo 36 sano jir ah ayaa dhawaan loo qaadaya  dalka India si qallin loogu sameeyo maadama uu saameyn ku yeeshay  culeyska  faraha badan.

Qalal saameyay  labo sano ka hor aya la sheegaya in uu dhanka kale sababay in ay lumiso  hadalka iyo dhaqdhaqaaqa.

Dr. Muffazal Lakdawala  oo  ka mid ah  dhaqatiirta qallinka sameeyay ayaa baraha bulshada ka billabay olola  lagu caawinayo haweneydan.

Sida  laga soo xigaty  shirkada diiwangelisa   rikorrka dunida ee Guinness  Pauline Potter oo ka soo jeedo Mareykanka ayaa ah haweneyda ugu culus caalamka .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *