Laba gabdhood oo isku qarxiyay dalka Nigeria

Laamaha amaanka ee dalka Nigeria ayaa sheegay in labo gabdhood la aaminsanyahay in ay fuliyeen  laba qarax oo ka dhacay suuq ku yaala gobolka Borno ee dalkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Borno Kashim Shettima  ayaa  warfidiyeenada u  xaqiijiyay  in uu hal qof ku dhintay halka  qaraxayadan  halka 18 kalena ay ku dhwacmeen.

Goob  jooge ku sugan magaalada Maiduguri ee dalka Nigeria ayaa sheegay in labadan gabdhood ay da’doodu ahayd toddobo ama siddeed sano jir.

Wararka ayaa intaas ku daraya in marke dambe la dilay labada qof ee qaraxaasi geystay.

Booliska gobolka Borno ayaa laga soo xigtay  in  weerarku uu dhacay xilli suuqa Maiduguri uu mashquul ahaa  oona dad badan sugnaayeen.

Dhanka kale  fulinta qaraxa  hore ayaa loo adeegsaday mooto ama dugdugleey halka mid kalena  la geystay kadib markii dad  suuqa ku sugna ay isku soo xoomeen si ay u badbaadiyaan dadka dhwacmay.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegtay masuuliyada   weerarkan I balse waxaa lagu tuhmaya kooxda Boko  Haram oo   dhowr  jeer   qaraxyada u adeegsada haween iyo caruur.

Labadan qarax ayaa ku soo begmaya iyada oo maalintii jimcada  ugu yaraan 45  qof lagu dilay halka  33 kalena ay ku dhawacmeen laba qarax  oo ay haween  ka fuliyeen suuq ku yaala magaalada Madagali.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *