Lacago lagu dhisi lahaa wadooyinka Ugandha oo lagu tageerayo dadka abaaraha saameyeen

Madaxweynaha  dalka Ugandha Yoweri Kaguta Museveni ayaa  lacago horay loo qoondeyay  in lagu dhiso wadooyinka  qaar  amar ku bixiyay in loogu gargaaro dadka abaaraha iyo macluusha  saameyeen.

Mr Museveni aya amarkan bixiyay isaga oo   deeq rashiin ah u qeybinayay   shacabka ku dhaqan degmada Kaliro  ee dhacdo  bariga dalkaasi oo abaaruhu saameyn ba’an ku yesheen.

Amarka ka soo baxay madaxweyne Museveni ayaa ku soo aadaya iyada oo   dadka ku nool degmooyinka  Kaliro, Iganga, Bukomansimbi, Isingiro iyo  Karamoja ay u baahanyihiin gargaar degdeg oo dhanka cunada ah.

Horaantii bishi Novembar ee sanadkan ayey ahayd  markii  wasiirka beeraha Christopher Kibazanga  uu ka digay  in shacabka Ugandha eek u nool 45 degmooyin ay soo foodsaari karto musiibo ka dhalata abaaraha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *