Macalimiinta  dalka oo ka digay in anan la dadajinin  dib u eegista lagu sameynayo  manhajka waxbarashada

Aqoonyahaanada ku taqasusay arrimaha tacliinta iyo sido kale qaar ka mid ah barsyaasha dalka  aya ku baaqay in wasaarada waxbarshada aynan dadajinin   dib u eegista lagu sameynayo  manhajka waxbarasho ee la doonyo in dugsiyada kala duwan lagu barto.

Wasaarad waxbarshada ayaa dooneyso ina y bedesho hanaanka tacliinta ee  loo yaqaano 8-4-4  oo la isticmaalayay tan iyo sanadii 1985-tii waxaana lgu bedelaya 2-6-3-3-3 .

Balse waxaa lagu kala qeybsanyahay manhajka ugu haboon ee laga isticmaali karo dalka iyada oo ururka macalimiinta ee KNUT ay ka digayaan in dib u habeyn lagu sameynayo  marxaladaha hoose iyo kuwa dhex ay  jahawareer keeni karto.

Manjahka cusub  oo la aaminsanyahay in uu xambaarsanyahay  xirfado ardayda u horseedi karo in ay nooloshooda ku mareyaan ayaa xariga laga jaraya  6-da bisha January ee sanadka soo socdo.

Dr John Mugo, oo ah khabiir  dhanka waxbarshada  ayaa sheegay in manhaj cusub uu muhiim yahay balse wasaarada tacliinta laga doonayo in aynan dadajinin   sidii shaaca looga qaadi lahaa.

Wuxuu intaas ku daray in  la adeegsado istaratiiji la xiriira isgaarsiinta oo howshan looga qeyb gelinayo dhamaan  dadka iyo maamulada ay quseyso.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *